Monday, May 29, 2023
HomeUncategorisedMusharixiinta Madaxweynaha 2021, Deni & Madoobe oo Nairobi ku kulmaya.

Musharixiinta Madaxweynaha 2021, Deni & Madoobe oo Nairobi ku kulmaya.

ilo xog ogaal ah ayaa  sheegaya  in Magaalada Nairobi Todobaadka soo socda lagu wado in ay ku kulmaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, Madaxweynayaasha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni & Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Dhinacyadaan ayaa kawada hadlaya Xaaladda Doorashada Soomaaliya, maadaama ay isaga aragti dhaw yihiin qodobada qaar sida in labadaan Dowlad Goboleed aysan soo gudbin Guddiga ku metalaya Doorashada 20/21.

Marka kulankooda uu dhacdo kadib, waxa ay ilo xog ogaal ah ayaa  sheegaya in ay fadhi la yeelanayaan wakiilo kala duwan oo ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya si ay uga bandhigaan walaaca ay qabaan.

Axmed Madoobe ayaa shuruud ku xiray soo gudbinta Guddiga Doorashada heshiiska uu saxiixay ee dhacay 1-da October 2020, waxaana ku raacay Siciid Cabdullaahi Deni oo Ra’iisul Wasaare Rooble ka diiday in uu u gacangeliyo magacyada xubnaha Guddiga Puntland metalaya.

Safarka & kulanka la qorsheynayo in lagu qabto Nairobi waxa uu imaanayaa xili xiriirka Soomaaliya & Kenya uu go’ay cilaaqaadka ka dhaxeeya, kadib markii Xukuumadda Federaalka 15-ka December 2020 ay ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dhiggeeda Kenya sabab ka dhalatay faragelinta dalka ay ku heyso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments