Saturday, June 10, 2023
HomeUncategorisedRW Rooble oo $200,000 u balan qaaday dhismaha G/Diyaaradaha Caabudwaaq

RW Rooble oo $200,000 u balan qaaday dhismaha G/Diyaaradaha Caabudwaaq

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddu ay $200,000 (Labo boqol oo kun oo Doollar) ku bixineyso dhismaha wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha Degmada Caabudwaaq.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Galmudug oo galabta booqday garoonka diyaaradaha Caabudwaaq ayaa ku ammaanay bulshada degmadu sida ay isugu xilqaameen dhismaha garoonka diyaaradaha Caabudwaaq oo gaarayay 3KM, kaas oo kala bar ay bulshadu deegaanku dhiseen.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ballan qaaday in dowladdu kaalin hormuud ah ka qaadan doonto dhismaha garoonkan oo muhiimmad gaar ah u yeelanaya Caabudwaaq, Galmudug iyo Guud ahaan dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Caabudwaaq, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda faraca jaamacadda iyo mas’uuliyiinta Galmudug.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments