WARAR

Kiisaska Covid-19 ee Koofur Afrika oo gaaray Hal Milyan!

Koofur Afrika waa dalka ugu horeeyay ee kiisaska ugu badan Xannuunka Covid-19 laga diiwaangeliyay, waxaana guud ahaan cudurka laga helay dalkaas dad gaaraya 1,004,413 (Hal milyan & afar kun, afar boqol, toban & saddex).

Dadka u dhintay Xannuunka Coronavirus waa 26,735 (Labaatan iyo lex kun, Todobo boqol, soddon & Shan), halka guud ahaan ay ka boksadeen 844,874 (Siddeed boqol, Afartan iyo afar kun, siddeed boqol, todobaatan & afar, waxa uu jirkoodu ku dambeeyaa cudurka 132,804 (Boqol, Soddon & labo kun, Siddeed boqol iyo afar.

Koofur Afrika waa dalka ugu badan oo ay kunool yihiin Ajaanib kala duwan, qaar ayaa ku leh Goobo Ganacsi, halka kuwo kale ay maalgashi dhaqaale badan kasoo xarooda ay ku sameysteen shirkadaha dalkaas.

Ajaanibta kunool Koofur Afrika waxaa qayb ka ah Soomaali, waxa ay ku leeyihiin Goobo kala duwan Magaalooyinka waaweyn ee dalkaas & Tuulooyinka hoostaga, waxaana rukun u ah dad kala duwan oo wax ka iibsada.

Wasaaradda Caafimaadka Koofur Afrika ayaa sheegtay in xannuunka si joogta ah dadka la baaro looga helo jirkooda, balse shacabka laga doonayo in ay dhaqangeliyaan raacista shuruucda lagu dhowrayo caafimaadkooda.

Dalka ku xiga liiska kiisaska ugu badan ee xannuunka Covid-19 waa Morocco, waana uu ku labo laabmaa tirada ka diiwaangashan sida ku cad shaxda World Meters oo si joogta ah u daabacdo kiisaska cusub ee lasoo gudbiyo.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: