Magaalada Garoowe Xarunta DG Puntland waxaa lagu wadaa in Berri oo ah Talaado 29-ka December 2020 in uu ka furmo Shir looga hadlayo Sida looga bixi karo Ku meel gaarka daba-dheeraaday ee Soomaaliya 2025-ka.
Shirkaan waxaa ka qaybgalaya Guddoonka Labada Gole ee BFS, Musharixiinta, Madax Goboleedyada, Wakiilo kala duwan, Ururada Bulshada Rayidka & shaqsiyaad waaya-arag ku ah xaaladda Dalka.
Labadii cishe ee lasoo dhaafay Magaalada Garoowe waxaa tegay Xubno kala derajo duwan oo lagu casuumay ka qaybgalka Shirkaan si adagti wadaagga sanadlaha ee Machadka Hiratage kusoo bandhigaan qaabka looga gudbi karo KMG aan dhammaadka lahayd ee Soomaaliya.
Shirkaan oo Sanadkiiba mar lagu qaban jiray Jabuuti ayaa sanadkaan loo gartay in lagu qabto Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Garoowe ee xarunta DG Puntland, waxaana lagu soo beegay xili dalka uu galayo Doorasho muran ka dhashay hab maamulkeeda.
Ilo xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in aysan ka qaybgaleyn Shirkaas Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen, balse Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar uu ku metalaya kulanka.
Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa la adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka muhiimka u ah socodka mas’uuliyiinta ka qaybgaleysa Shirka looga go’aan gaarayo sida looga gudbi karo KMG Soomaaliya.
Haddaba, Soomaaliya maka bixi kartaa Kumeel-gaarka daba-dheeraaday marka la gaaro sanadka 2025?