Monday, June 5, 2023
HomeUncategorisedWasiirka Amniga DG Galmudug oo soosaaray Amarro ka dhan ah Dadka u...

Wasiirka Amniga DG Galmudug oo soosaaray Amarro ka dhan ah Dadka u tagay Al-Shabaab, Hubka & Dhuxusha

Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga DG Galmudug oo ka hadlay qorshaha Sugidda ammaanka Gobolka Mudug ayaa soosaaray amarro cusub oo la xiriira qorshaha lagu adkeynayo Xasiloonida Gobolkaas.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in cid kasta oo Al-Shabaab u tagtay kuna sugan Magaalada Gaalkacyo in ay isu diiwaangeliso 7-Cishe oo ka bilaabaneysa 27-ka December 2020 si laamaha ammaanka ay u helaan macluumaadkooda.

“Muddo todobaad ah waa ay isu diiwaangeliyaan dadka ka tagay Gobolka Mudug ee lasoo shiray Al-Shabaab una hoggaansamay amarradaas, ciddii amarkaan diidda waxa ay ciidamada amniga u fasaxan yihiin in ay xiraan waana la maxkamadeynaa, horayna waa loo mamnuucay in dadka u tagaan Shabaab” Sidaasi waxaa yiri Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Galmudug.

Waa uu sii hadlay Wasiirka Amniga waxa uuna digniin u diray dadka hubka sharci darrada ku heysta Magaalada Gaalkacyo, Dhuxusha, Qamriga & dhammaan waxyaabaha loo arko in ay qayb ka tahay amni darrada.

“Wixii hadda ka dambeeya waxaa mamnuuc ah in hubka lagu dhex qaato Gaalkacyo, Dharka aan ahayn tuutaha ciidanka hub laguma qaadan karo, dhuxusha waa mamnuuc, qamriga waan la dagaalameynaa, waxaana naga go’an fulinta awaamiintaan” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ciidamada ammaanka DG Galmudug ayaa kordhiyay howlgalada ka socda Koofurta Magaalada Gaalkacyo Wixii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay 18-kii December 2020 oo ay ku dhinteen saraakiil & Shacab ka qaybgalayay soo dhaweyn loo sameynayay RW Rooble.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments