Wednesday, September 28, 2022
HomeUncategorisedAskar katirsan Ciidanka Uganda oo Billad lagu siiyay howlgalkooda Soomaaliya.

Askar katirsan Ciidanka Uganda oo Billad lagu siiyay howlgalkooda Soomaaliya.

Askar katirsan Ciidanka Difaaca Uganda gaar ahaan Kooxda 28-aad ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa loo xiray Billado lagu dhiiragelinayo howlaha ay ka qabteen Gudaha Soomaaliya.

Saraakiil katirsan Ciidamada Militariga Uganda ayaa goobjoog ka ahayd Munaasabaddaan sida Gen. Diomede Ndegeya oo ah Taliyaha Ciidamada dalkaas ee jooga Gudaha Soomaaliya & kuwo kale.

Waxaa lagu ammaanay Askarta Uganda kaalmada muuqata ay ka qaateen howlgalka waqti dheeraaday ee Soomaaliya, si gaar ah waxa ay uga howlgaleen Gobolka Shabeelaha gaar ahaan Awdheegle & Janaale.

 

Taliyaha ayaa ku bogaadiyay kooxda 28-aad ee Ciidamada Difaaca Uganda ka feejignaanta Covid-19, ka wacyigelinta dadka, la dagaalanka Al-Shabaab oo ah koox hoostagta Ururka Al-qaacida.

Gen. Ndegeya ayaa Ciidamada Xoogga Soomaaliya ku amaanay wada-shaqeynta wanaagsan xoojinta dedaallada ay gelinayaan sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen deegaannada ay ku sugan yihiin.

Uganda waa Dalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya usoo diray Askarta Ururka Midowga Afrika sanadkii 2007-dii, tan iyo xiligaas waxa ay dhowr jeer badal ku sameysay askarteeda & saraakiisha joogta dalka.

Qayb ahaan waxa ay mas’uul ka tahay Gobolka Banaadir & Shabeelaha Hoose, waxa ay Ciidankeeda Militariga ah ku sugan Degmooyin dhowr ah, halka cudud kale ay ku leedahay AMISOM Booliis.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments