Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa fadhi ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa waxaa ku ansixiyeen miisaaniyada dowladda ee sanadka 2021ka.
Kulanka oo xaadireen 145 xildhibaan ayay dhamaantood cod aqbaliyad ah ku ansixiyeen miisaaniyada oo kol hore loo soo gudbiyay Golaha Shacabka.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka maanta shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta miisaaniyadu ansax tahay.
Wasiirka maaliyada Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa ka mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda 2021” Waxa aan halkaan uga mahadcelinayaa Baarlamaanka Golaha Shacabka JFS oo maanta meel mariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka” ayuu yiri.
“Waxa aan sidoo kale u mahadcelinayaa masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee u soo dhabar adeegay shaqada iyo Isbadalka Maaliyadeed ee Dowladdu ku talaabsatay. Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an in ay xoojiso oo sii laba laabto dib-u-habeynta Maaliyadda” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Ansixinta miisaaniyada ayaa imaneysa xil uu dhamaaday muddo xileedka baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, waxaana wali jira ajandayaal iyo sharciyo hor yaala Golaha oo u baahan in la meelmariyo.