WARAR

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashooyinka oo sheegay in Qoorqoor ka codsaday dib u dhigista Jadwalka doorashadda!

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashooyinka ayaa shaaciyay isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashada Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddiga oo soo saaray warbixin kooban ayaa ka dalbaday Madaxda Dowlad goboleedyada in qabashada codsiyada murashixiinta aqalka sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

Isbaddalka jadwalkan ayuu guddigu sheegay inuu ku yimid codsi uu guddiga Doorashooyinka usoo jeediyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo codsaday in dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Madaxweyne Qoorqoor oo Garowe ku sugan ayaa ku howlan inuu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee dhinaca doorashada sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka socota Xafiiskiisa, isagoo xalay Garowe kula kulmay madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xallay magaaladda Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland kula kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo shalay gaaray Garowe.Image may contain: 2 people, people sitting

Qoor ayaa sidoo Garowe ku qaabilay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.Image may contain: 1 person, sitting

Maamuladda Jubbaland iyo Puntland ayaa si wayn u diiday guddiga ay soo magacaawday Xukumadda Soomaaliya ee doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka Soomaaliya.Image may contain: 1 person, sitting

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: