WARAR

Booliska Hir-Shabeelle oo dad horleh ku xir xiray Magalada Beledweyne

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ay xabsiga dhigeen qaar kamid ah Dhalinyarada ku nool Magaaladaas.

Howelgal ay sameeyeen Ciidamada ayaa la sheegay in ay ku bartilmaameedsadeen Goob ay ku sugnaayeen Dhalinyarao, iyaga oo halkaasi ka xiray laba dhalinyaro ah oo mid kamid ah Magaciisa lagu sheegay Samafale Cabdi Casiis Maxamuud.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayan in dadka la qabtay la egeyay Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku xiran yihiinm rag kale oo horay ay Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle u xireen.

Dad ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Ciidamada Booliska Beledweyne ay xir xirayaan qaar kamid ah dadkii ka qeyb-galay sidoo kalena abaabulay Banaanbaxyadii looga soo horjeeday maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.

Horay Booliska Beledweyne waxaa ay u xireen Wariye hore Cali Dahir Xeroow iyo Afhayeenka Jabhadda Janareel xuud, waxaana Maalin ka hor Beledweyne ka dhacay dibadbax lagu dalbanayay in dadkii la siidaayo

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: