WARAR

Puntland oo War kasoo saartay Gabar yar oo Boolisku ay dileen

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay Gabar yar oo u dhimatay dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaas ay dhawaan Ciidamada Booliska ku rideen dad banaanbax looga cabanayay diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga iyo sicirka bararka ka dhigayay 26-kii Bishii la soo dhaafay ee December Magaalada garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Gabadha yar oo meydkeeda ay diideen ehelada in la aaso ilaa xukuumadda Puntland ay dusha saarato eeda dilka iyo inay jawaab  ka bixiso ayaa ugu dambeyn shalay la Aasay, kadib markii puntland golaatay bixinta magta Gabasha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdi samad Maxamed Galan ayaa qoraal kasoo baxay Xafiiskiisa lana ogeeysiiyay Wasaaradda maaliyadda Puntland iyo Qoyska Gabadha waxaa lagu sheegay in Puntland ay biixn doonto magta Gabadha ku dhimatay rasaasta ay fureen Ciidamada oo lagu Magacaabi jiray  Nadiiro Faysal Shire.

Marka laga soo tago qoraalkaan Puntland ay ku sheegtay in la bixinayo magta Gabadha la dilay ayaa ahadana puntland aysan wax jawaab ah ka bixin codsigii ka yimid Ehellada Gabadha ee ahaa in sharciga loo mariyo askartii dilka u gaystay gabadhooda.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: