WARAR

Xiisad dagaal oo ka taagan degaano ka tirsan Gobolka Sanaag

Xiisadaaan oo ah mid dagaal ayaa waxaa ay ka Maanta ka taagan tahay degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaana ay u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland.

Xiisadaan ayaa waxaa ay ka dambeeysay, kadib markii Soomaaliland ay ay degaannada Dhahar iyo Xin-galool ka bilaawday Barnaamijka diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Doorashooyinka Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsa  Somaland ayaa gaaray Magaalada Dhahar, halkaas oo diiwaangelinta ay ka socota, waxaan ay sheegeen inay dagaal kala horgegi doonaan hadii Puntland ay isku daydo inay joojiso Barnaamijka diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Doorashooyinka Somaliland.

Degaannada xiisada dagaal ka taagan tahay ayaa waxaa kamid ah degaannada Dhahar, Xingalool, Buraan, Ceelaayo iyo Buuraan oo hoos yimaada Sanaag, waxaana dadka degaannadaas ay sheegeen inay cabsi dareemayaan.

Gobolka Sanaag degaano ka tirsan oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Soomaliland ayaa horay waxaa iga dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada labada Maamul halka weli degaannada qaar ay Ciidamada isku hor-fadhiyaan.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: