WARAR

Mid kamid ah dhinacyada ku dagaalamay Walanweyn oo Risaala la hadlay

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeyay guddoomiyaha degmada Walanwey Maxamed Siidow iyo kuxigeenkiisa dhinaca arrimaha bulshada Axmed Cabdi Maxamed.

Dagaalka ayaa waxaa uu salka ku haayaa arrimo la xiriira howlaha Maamulka, iyada oo dagaalka inta uu socday ay ka dhasheen khasaaro kala duwan, sida ay sheegeen dadka degmada.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee degmada Walanweyn Axmed Cabdi Maxamed oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in uu soo weeraray guddoomiyaha degmada Walanweyn oo Ciidamo wato, iyada oo ay xusid mudan tahay in aan baadi goobnay guddoomiya la eedeeyay balse aysan noo suurtagelin.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: