Uncategorised

Khilaaf soo kala dhex-galay Guddoomiyaha G/ Hiiraan & kan Beledweyne

Waxaa soo baxay Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddomiyaha degmada Beledweyne, kaas Maanta siweyn looga dareemay Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha degmada Beledweyne oo uu u jeediyay Eedeyn ay kamid tahay in uu isbaaro dhigtay.

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne ayaa dhankiisa sheegay in uusan Shaqo ka joojin karin Guddomiyaha gobolka, isaga oo dhankiisa u jeediyay Eedeyn kala duwan.

Wararka la helay ayaa sheegaya in khilaafka uu salka ku haayo xil ka qaadis lagu sameeyay Guddomiyaasha xaafadaha Beledweyne.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: