WARAR

Cumar Filish oo sheegay in saameyn dhaqaale uu ku yeeshay COVID-19

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Barnaamijka la tashiga dadweynaha kala qeyb galay waxgaradka Degmooyinka Xamar Jajab Iyo Xamar Weyne kaas oo lagu qabtay Xarunta Degmada Xamar Jajab.

Waxgaradka labada degmo ayaa u gudbiyay Guddoomiyah  baahiyahooda iyagoo diirada saaray dhismaha wadooyinka burbursan ee ku yaala degmooyinkooda, Waxbarahada, Caafinaadka, Horumarinta dhalinyarada, Haweenka iyo Maareynta Biyaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay  ka sokow labada degmo in dhaman degmooyinka Gobolka Banaadir wadooyinkooda qaar ay biyah yaallaan, taasina ay tahay dhibaato heysta Shacabka Gobolka Banaadir, isla markaana wax ka qaban doonan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in uu saameyn ku yeeshay Cudurka COVID-19, isl markaana uu hoos u dhigay dhaqaalihii uu Shacabka ka heli jiray Maamulka.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: