WARAR

Qoor Qoor oo amray howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha  Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa inta uusan kaso ambabixin Dhuusamareeb safar kormeer ah ku tegay difaacyada hore ee Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan deegaanka Sinadhaqo iyo naxaawigiisa ee hoostaga degmada Ceelbuur.

Madaxweynaha waxaa Safarka ku wehliyay Wasiirka Amniga Gudaha ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale, isaga oo la kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada ku sugan halkaas.

Ujeedka kormeerkiisa ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda ciidanka war bixinna ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhawaan lagala wareegay degaannadaas.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Galmudug ayaa  khudbad guubaabo iyo dhiirogelin iskugu jirta u jeediyay ciidamada ku sugan furimaha lagula dagaalamayo Al-Shabaab, waxaana uu kula dardaarmay ciidamada iyo saraakiisha inay sii wadaan howlgalada lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: