WARAR

Maxaa kasoo baxay kulankii Midowsha Musharixiinta, Qoor Qoor & Cali Guudlaawe?

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda kulamo siyaasadeed oo u dhaxeeya saamileyda dalka, kuwaas oo badi looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa muranka doorashooyinka iyo dooda ka dhalatay muddo kordhinta ay golaha Shacabka u sameeyeen Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Xalay waxaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Midowga Musharixiinta & Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle, iyaga oo ka wada hadlay muddo kororsiga ay sameeyeen Golaha Shacabka.

Wararka la helay ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle ay Midowga Musharixiinta u gudbiyeen farriin ay ka sideen Madaxweyne Farmaajo, taas oo ah in uu codsaday in uu la kulmo Midowga Musharixiinta.

Hayeeshee Musharixiinta ayaa labada Madaxweyne dhankooda ka dalbaday inay ka jawaabaan baaqii ay horay ugu direen ee ahaa inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo, iyaga oo u sheegay in aysan ka dooneyn inay u keenaan farriin ka timid Farmaajo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Risaala u sheegay in kulanka uu noqday mid la isku fahmi waayay, isla markaana uu isaga baxay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyada oo ay markii dambe shirka sii amba qaadeen labada Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali & Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Shalay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu teendhada Afsiyooni uu kulan kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana ay ka dalbadeen in laga laabto muddo kordhinta, balse uu u sheegay in uu soo xalin doono musharixiinta mucaaradka iyo dadka diidan muddo kordhinta, isla markaana ay isku soo laaban doonaan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabada muddo kordhinta ah, iyaga oo cunaqabateyn ugu hanjabay Madaxda Sare ee dowladda gaar ahaan kuwa ku lugta leh muddo kordhinta la sameeyay.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: