WARAR

Xildhibaan hore oo dhaliilay siyaasadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la xiray

Ciidamada Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay xireen Ex Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Xasan Black) oo ka tirsanaa Baarlamaankii 1aad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan hore Xasan Black ayaa  Ciidamada Booliska kala deggeen gaari uu la socday sabtidii, mar uu marayay inta u dhaxeyso Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud iyo Saldhigga Dhexe ee Baydhabo, isaga oo kusii jeeday Hoygiisa oo ku yaal Magaalada Baydhabo.

Laamaha Amniga & mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed weli wax faah fahin ah kama bixin sababaha loo xiray Ex Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Xasan Black), hayeeshee waxaa xusid mudan in maalmihii la soo dhaafray uu dhaliilayay siyaasadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in ka hor inta uusan tegin Magalada Baydhabo Xasan Black  uu  Magaalada Muqdisho uga qaybgalay shirar looga hadlayay tacadiyadii Ciidamada Booliska ka gaysteen Magaalada Baydhabo, bishii December ee sanadkii 2018, markaasoo dadweynaha reer Baydhabo ka gadoodeen xarigii  Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: