WARAR

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo la kulmay Wafdiga ka socda dowladda Qatar

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta qaabilay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta Mudane Dr Multaq  Al-qahtani.

Kulankaan intii uu socday waxa ay ka wada hadleen xaaladaha Dalka, arrimaha Doorashooyinka oo muhiimada ay tahay in doorashooyin wada ogol ah ay dhacaan Iyo in Hirshabeelle ka caawin doonaan ka faa’ideysiga mashaariicyo bulshada wax tar u leh.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa la filayaa inay la kulmaan Wafdiga dowladda Qatar.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: