Faaah faahin dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo Maanta ka dhacay degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Guddoomiyaha degmada Walanweyn & kuxigeenkiisa Arrimaha Bulshada.
Dagaalka oo xoogiisa uu ka dhacay Xaafada Muuri ee degmada Walanweyn ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray dad Shacab ah, waxaana uu sidoo kale uu saameyn ku yeeshay Ganacsiga Magaalada.
Taliyaha Booliska dagmada Walanweyn oo ka hadlay dagaalka ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha degmada iyo kuxigeenkiisa in ay dagaalka si deg deg ah u joojiyaan, sidoo kalena aysan aqbaleyn in dadka Shacabka ah dushooda lagu dagaalamo.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah Guddoomiyaha degmada Walanweyn & kuxigeenkiisa Arrimaha Bulshada, hadii ay joojin waayaan dagaalka, isaga oo ugu baaqay Maamulka Koonfur Galbeed inay soo farageliyan xaalada degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa kusoo laab laabtay dagalka u dhaxeeya Guddoomiyaha degmada Walanweyn & kuxigeenkiisa Arrimaha Bulshada, kaas oo la sheegay in uu salka ku haayo awood dhinaca Maamulka ah.