Uncategorised

Odayaal lagu xir xiray Magaalada Beledweyne

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo Saacadahii ugu dambeeyay howgalo ka Sameeyay Xaafadaha Magaalada ayaa xir xiray qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Beelihii Maalmahan ku Dagaalmayay Duleedka Waaqooyi Galbeed Magaalada beledweyne.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ayaa sheegay in sababaha loo xiray ay tahay Odayaasha kadib markii laamaha Amniga ay ka warheleen in Al-Shabaab ugu yeeren Odayaasha labada beelood Degaanka Buq-qabale oo ay Maamulaan.

Odayaasha la xiray oo tiro ahaan gaaraya lix ayaa waxaa la geeyay Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne, halkaas oo lagu weeydiinayo su’aalo la xiriira u yeeritaanka Al-Shabaab.

Laamaha Amniga Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Hir-Shabeelle ayaa dhowr jeer uga digay Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada la Macaamiilka Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iuo dowlad Goboleedyada.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: