Warar

Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Qardho & ujeedka oo la shaaciyay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka  Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu safar ku tago Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar.

Madaxweyne Deni oo shalay gaaray  Garoowe, kadib safar uu ku joogay Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in Maanta uu  Magaalada Qardho tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Puntland oo ku sugan Xerada Tababarka Ciidanka ee Xorgoble.

Wararka kale ee la helaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni in maalmo uu ku sugnaan doono Magaalada Wardho si uu usoo xiro barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: