Warar

Golaha wadatashiga Qaran oo kulan ku yeelanaya Magalada Muqdisho

Kulan ayaa waxaa xalay Khadka Internet-ka ee (ZOOMKA) ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan kadib heshiiskii doorashada ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in Madaxda isku raaceen in Sabtida soo socota ay shirk u yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in looga hadlayo dardar gelinta howlaha doorashayooyinka, iyadoo Guddiga farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ay hordhigi doonaan Golaha Wadatashiga Qorshayaasha doorashada.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabo Guddiga dib u heshiisiinta Heerka Wasiir ee afarta Dowlad Goboleed oo aan ku jirin Jubbaland, kuwaasoo Garbahaarey u tagaya xalinta arrinta Gedo.

Golaha wadatashiga Qaran oo 27-kii Bishii May Magaalada Muqdisho ku saxiixday heshiis doorasho ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan fulinta heshiiskaas si dalka ay uga dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Related Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: