Monday, June 5, 2023
HomeWararPUNTLAND oo ku gacan seertay dalabkii beesha Murusade

PUNTLAND oo ku gacan seertay dalabkii beesha Murusade

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u jaawabay beesha Murusade oo dhowaan soo saartay digniin ku aadan rag siddeed ah oo ay Puntland ku xukuntay dil toogasho ah.

Sanyare oo ka qeyb-galayey munaasabad gaar ah oo ka dhacday Mudug ayaa shaaca ka qaaday in dadka u doodaya xukumanayaasha ay soo adeegsadeen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay, isla-markaana ay doonayaan inay difaacaan rag ‘dambiileyaal ah’.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland aysan laheyn cadow aan aheyn Al-Shabaab, isla-markaana uusan jirin qabiil gaar ah oo uu dagaal kala dhexeeyo.

“Nimanka hadda loo qeylinayo 2012-kii ayey Gaalkacyo yimaadeen, Shabaab ayaa kawaanka u furay dadka laaya iyaga yiri, bistooladaha iyaga ayaa u geday. 2012-kii ninkii ay ugu dambeysay baa Shabaab wuxuu yiri shir jaraa’id qabta oo waxaad tiraahdaan wiilal baa Gaalkacyo noolaga heestaa waxaa Shabaab aheyn oo aan cadow nahay ma jiro,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee dhanka Puntland.

Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ku gacan seeray dalabka ka soo yeeray beesha Murusade, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan sii deyn doonin ragga haatan la xukumay ee loo heesto inay ka tirsan yihiij kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in cid kasta oo ay maxkamaddu xukunto ay tahay in lagu fuliyo xukunka lagu riddo markaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments